Wararka naga soo gaaraya deegaanka Awdiinle duleedka Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxay sheegayaan in halkaasi shalay gelinkii dambe dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada Xarakada alshabaab iyo ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa weerar ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay.
Dagaalka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac dhinacyadii dagaalamay, iyadoona halkaasi ay la wareegeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Saraakiisha Xarakada alshabaab kama hadlin dagaalka culus shalay gelinkii dambe ku dhexmaray deegaanka Awdiinle kaasoo sababay in Xarakada la wareegaan deegaankaasi.
Ma ahan markii ugu horaysay dagaalo ku dhexmaraan deegaano ka tirsan gobolka Bay Ciidamada Itoobiya iyo Xarakada alshabaab, saaka waxaa halkaasi laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH