Dagaal culus oo u dhaxeeyey ciidamada Itoobiya, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Alshabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Xarakada Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka Magaaladaasi.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladii xalay, hase yeeshee khasaare ay jiri karaan maadaama dagaalku uu ahaa mid xoogan oo muddo hal saac ku dhawaad socday.
Dagaalka ayaa imaanaya xili dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ay shaaciyeen inay sii xoojin doonaan dagaalada gobolada dalka Soomaaliya ay kula jiraan Ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH