Wasiirka Difaaca dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo maalintii shalay booqday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in magaalada ay ka jirto nabad, isagoo ku amaanay dadka Reer Baydhabo inay yihiin dad u heelan dowladdnimada.
C/xakiin Xaaji Maxamuud ayaa u mahadceliyey shacabka Baydhabo sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay isagoo tilmaamay inuu kullamo la yeeshay Maamulka magaalada, Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya.
“Baydhabo waa magaalo nabad ah Dadkeeduna dowladda ayay u heelan yihiin waana nabad..” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu gaaro Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay tan iyo markii loo magacaabay xilka uu ka hayo dowladda Soomaaliya.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH