Saturday, April 19th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Ciidamo Nabad sugid ah oo howlgalo ka wada Magaalada Jowhar.

Published on January 14, 2013 by   ·   No Comments

ciidamoWararka naga soo gaaraya Magaalada jowhar ayaa ku waramaya Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan Xaafadaha Magaaladaasi.

Ciidamadan oo ah kuwo si gaar ah u tababaran ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay xaafadaha Magaalada Jowhar ka wadaan howlgalo lagu baadi goobayo dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Xarakada alshabaab iyo hub magaalada amni darideeda looga qeyb qaato sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta howlgalka uu socday ciidamada waxay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 11 dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Xarakada alshabaab, waxaana loo taxaabay Saldhiga magaalada Jowhar sida ay Saraakiisha xaqiijiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saakay aysan ka soo bixin guryahooda kadib markii waaga uu barayay ay ku soo faafeen xaafadaha kala duwan magaalada Jowhar Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugida oo howlgalo ku dhaqaaqay.

Ugu danbeyntii Saraakiisha Ciidamada dowlada ee howlgalka ka wada xaafadaha Magaalada Jowhar ayaa sheegay inay faahfaahin dheeraad ah ka bixinayaan howlgalka maanta ay ka wadaan Magaaladaasi.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind