Sunday, April 20th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Ban kii moon oo sheegay in dib loo eegayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Published on February 2, 2013 by   ·   No Comments

arton7776-52de7Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dib loo eegayo cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya si buu yiri dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeelayo inay ciidamadeeda dib ugu dhisto, isagoo xusay in xoogagga ka soo horjeeda dowladda ay ka qatar ku hayaan dowladda Soomaaliya.

Diblumaasi ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Reutesr in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu kulan gaar ah la yeeshay shan iyo toban ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwaas oo uu kala hadlay sidii loo qaadi lahaa cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya, gaar ahaan dowladda si ay dib ugu dhisato ciidamadeeda, awoodna ugu yeelato mustaqbalka dhow inay iyadu la wareegto amaanka dalka Soomaaliya.

“Waa lagama maarmaan in dowladda Soomaaliya ay dib u dhisato ciidamadeeda, taasina waxay suurtageli kartaa marka cunaqabateynta hubka ee saaran laga qaado si ay awood ugu yeelato inay hub soo iibsato, waayo hadda cunaqabateynta saaran uma saamaxayaan inay hub soo iibsato amaba heshiisyo dhinaca hubka ah ay gasho” ayuu yiri Banki Moon.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaan la ogeyn go’aanka uu arrinkan ka qaadan-doono, iyadoo ay jiraan shan dowladood oo leh codka fiitowga ama diidmada qayaxan, kuwaas oo mid ka mid ah haddii uu diido ay waxba kama jiraan noqoneyso soo jeedintaasi, waxaana xusid mudan in cunaqabateynta hubka Soomaaliya la saaray sanadkii 1992-dii, markaas oo ay Soomaaliya ka bilowdeen dagaalo sokeeye.

 

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind