Wednesday, April 23rd, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Amar culus oo la duldhigay ganacsatada Kismaayo.

Published on January 3, 2013 by   ·   No Comments

KismaayoWararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi shalay lagu dilay nin lagu sheegay inuu rayid ahaa, kaas oo lagu dilay gudaha suuqa weyn ee balcadka Kismaayo, gaar ahaan nawaaxiga dahablaha oo ah goob aad u mashquul badan, iyadoo aan illaa hadda aan la garaneyn cidda ka dambeysay dilkaasi.

Sida warku sheegayo dilka ninkaasi rayid ah ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya inay ninkaasi dileen kooxo hubeysan, halka warar kalena ay sheegayaan in ay xabad uga fakatay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa gudaha suuqa Bacadlaha ee magaalada Kismaayo.

Daqiiqado ka dib markii uu dilku dhacay ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo halkaasi ka sameeyay baaritaano kala duwan oo ay qabqabteen dad looga shakisanyahay inay ka dambeeyaan dilkaasi, waxayna sheegeen saraakiisha dowladda inay baaritaano ku wadaan dadkii ay qabqabteen, waxayna xuseen inay sii deyn doonaan ciddii aysan ku cadaanin dilka ninkaasi, qofkii ay ku cadaatana ay soo taagi doonaan Maxkamad.

Dhinaca kale maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa amar ku siiyey ganacsatada loo yaqaan waratada ee dharka ku iibisa hareeraha wadooyinka inay isaga guuraan halkaasi, waxaana warkaasi warbaahinta siiyey afhayeenka Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo sheegay in waratada dharka ku iibisa suuqa weyn ee Balcadka ay ciriiri ka dhigeen wadooyinka, isla markaasina ay suuragaltahay buu yiri in lagu soo dhex dhuunto oo ay halkaasi ka dhacaan falal amni darro sida kii shalay dhacay oo lagu dilay nin rayid ah.

Ganacsatada waratada loo yaqaan ee dharka iibisa ayaa lagu amray inay u guuraan suuqweynihii hore oo ku yaala xaafadda Calanleey, kaas oo ay hore dayactir ugu sameeyeen maamulkii Xarakada Al-shabaab ee ka arrimin jiray magaalada Kismaayo, wallow aysan jirin dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoogan oo suuqaasi ka jira marka laga reebo qeybaha Kalluunka lagu iibiyo, waxaana xusid mudan in ganacsatada dharka ku iibisa hareeraha wadooyinka ayaa sheegay inay ku qanacsanyihiin ganacsiga ay waddooyinka hareerahooda ku heystaan.

 

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind