Thursday, April 24th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Amaan darida Kenya oo lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan Ciidamo ka tirsanaa Dowladdii KMG ahayd.

Published on January 3, 2013 by   ·   No Comments

SOMALIAGudoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed oo la hadlay Wargeyska The Daily Nation Macallin ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsaneyd ciidanka dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarada iyo ammaan darada ka jirta magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari dalka Kenya.

Maxamed Macallin Guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa ku eedeeyay dhallinyaro Soomaali Kenyan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii KMG ahayd inay ka dambeeyaan falalkii amaandari ee ka soo cusboonaaday magaalooyinka muhiimka ah ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan falalka amaandari ee Kenya, ay tababar ku qaadeen gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo la doonayay in ay qeyb ka noqdaan dagaalada dalka Soomaaliya lagula jiro Ururka Al-shabaab,islamarkaan uu sheegay Gudoomiyaha inay Baalmareen.

Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha sheegay in marka laga soo tago ka qeyb qaadashada dagaalka Soomaaliya ay dib ugu laabteen Kenya halkaasina ay ka bilaabeen dhibaateynta amaanka dalka Kenya, waxuuna si gaar ah uu u xusay in amaandarida ka jirta Magaalada Gaarisa ay iyagu ka danbeeyaan.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gudoomiyaha Gaarisa uu tilmaamay in ay socdaan dadaalo la doonayo in dadkaasi gacanta lagu soo dhigo.

Sanadkii la soo dhaafay ee hadda dhammaaday magaalooyinka dalka Kenya waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Saraakiil iyo Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Milatariga iyadoo kooxihii dilalkaasi ka dambeeyey ka baxsaday goobahaasi.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind