Xarakada Alshabaab ayaa soo bandhigay Meydkii Askari ka mid ahaa Askartii Weerarka lagu waday in lagu soo furto Denis Allex ku qaaday Degmada Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose Jimcihii la soo dhaafay.
Meydka Askarigaan ayaa sida ay sheegeen Xarakada alshabaab nolol ku qabteen isagoo dhaawac culus ka soo gaaray weerarka uu soo qaaday una dhintay Dhaawacyadii soo gaaray.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge Sheekh Cali Dheere oo Shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay howlgalkaasi fashilmay ee ay Ciidamada kumaandooska Faransiiska ka fuliyeen Degmada Buulo Mareer.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay Faransiiska kaga adkaadeen weerarkii uu ku soo qaaday Buulo Mareer islamarkaana Afka Ciida u dareen Askar fara badan iyo Saraakiil hogaaminayay weerarkaasina kaga dileen.
Ciidamada Xarakada Alshabaab ayuu u jeediyey bogaadin isagoo xusay inay Ummadda Soomaaliyeed u soo celiyeen Sharaf iyo qiimo.
Weerarkii Buulo Mareer Ciidamada Kumaandooska Faransiiska waxaa ka soo gaaray jab aad u xoogan kadib markii ay ku guuldareysteen inay furtaan Denis Allex in ay furtaan iskaba daaye Askar fara badan ayay ku waayeen iyadoo meydka Askari dhaawac gaaray u geeriyooday ay maanta soo bandhigeen Xarakada Alshabaab.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH