Xarakada Alshabaab ayaa ka hadlay dagaal duleedka Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kula galeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gobolkaasi, iyagoo wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaaladaasi.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka dagaalka ah ay ka dambeeyeen Ciidamada Xarakada Alshabaab kuna qaadeen fariisin Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Afhayeenka oo guulo ka sheegtay dagaalkaasi ayaa dhinaca kale sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Shisheeye iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay inay dalka ku soo duuleen.
Haddalkan ayaa imaanaya xili dagaal culus oo u dhaxeeyey Ciidamada AMSIOM, kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab dagaalkaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac dagaalkaasi ka soo kala gaaray.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH