al-Shabaab ee ku sugan tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa gelinkii dambe xurriyaddooda dib ugu celiyay laba dhaqtar oo ay xireen kaddib markii ay halkaasi u tageen inay adeegyo caafimaad u fidiyaan dadka deegaanka.
Dhakhaatiirta oo markii hore ka tagay magaalada Beledweyne ayay al-Shabaab ku eedeysay inay la shaqeeyaan hay’adaha samafalka oo ay horay u mamnuucday, waxayna ku amartay inaysan mar kale tegin deegaanka iyo deegaannada kale ee ay gobolka kaga sugan tahay.
Sidoo kale, al-Shabaab waxay fasaxday kalkaaliye Dhaqane Muunim Cismaan oo dhaqaatiirta ku soo dhoweeyay tuulada Halgan.
Dhaqaatiirta oo xarumo caafimaad ku leh magaalada Beledweyne ayay maleeshiyadu xabsiga dhigtay 16-kii bishan, kaddib markii ay Halgan u tageen in dadka deegaanka ay adeegyo caafimaad siiyaan.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH