Aniga ah Enj-Maxamed Hersi
Somaali ah Xubin Firfircona ka
ah Faraca Xisbiga Shaqaalaha ee
Xaafadda Tottanham Waqooyiga
London,Waxaan halkan Mahad-naq ugu
Soo Jeedinaayaa Guud ahaan
Ummadda Somaaliyeed ee ku Dhaqan
Cariga Uk,Gaar ahaan London
Sidda Bileeyska leh,Garashada
Siyaasadeed leh,Fahamka Ahmiyada
Doorashadda iyo Qiimaha Codkood ku
Fadhiyo Leh,Sida Weyna uga
Qeyb Qaatay Doorashada Dowladaha
Hoose EE Dhacay 04/05/2006,
Iyo Murashaxiintii Somaaliyeed ee
Doorashadaas Isugu Soo Tagay
Iyadoo Guusha iyo Guul Daradaba La
Filan Karro.
Waxaa Arrin Farxadeeda leh ah Sida
Wanaagsan ee Loo Fahmay
Baaqiii
Dhiiri gelinta ahaa oo aan u Soo Gudbiyeey Ummadda
Somaaliyeed kuna Sabsanaa Dhiibashada
Codkooda iyo Taagerada
Cidii eey u Arkaan in uu Danahooda
Metelaayo,Woloow Midka
Somaaliyeed Mudnaanta
Lahaa,Talaabadan ayaa ah mid Biloow ah
oo wadda u Xaareeysa In
Doorashooyinka Damme La Heli Karaayo
Cod Somaaliyeed oo
Mideeysan,Diyaarsan iyo Murashaxiin Ilaa
Heer Xildhibaano Golaha Barlamaanka
ah(MP),Waxaan Ku Dhiiri
Gelinaayaa Dhalinyaradda Somaaliyeed
in eey ku Biiraan ama
Ka Mid Noqdaan Axsaabta Xiyaasadeed
ee Dalkan ka Jira,Kuna
Dhiiradaan Gelida Siyaasada oo ah
Lagama Maarmaan,Iyadoo Sida
Ku Haboon u Illaashanaaya Diintooda
Islaamka ah,Dhaqankooda
Somaaliyeed Iyo Danahooda Gaarka ahba.
Waxaa Mahad-celin Weyn iga Mudaan
Dadkii Faraha Badnaa ee
Xiriirka ila Soo Sameeyeey Dhanka
Cinwaanka Emailka iyo Khadka
Telefoonkaba Ha Joogan Carigan
Ingiriiska,Qaarada Yurub,Dalka
Mareeykanka Iyo Dalkii
Hooyoba(Somaaliya) kuma Soo Koobi Karo
Magacyadooda Halkan,Waxaanse
Dhamaantood Leeyahay Waad ku
Mahadsan-tihiin Taageeradii,Dhiiri
Gelintii Iyo Bogaadintiiba
Hadii Alle Idmona Halkaas Ayaan ka
Sii Wadi Doonaa Dadaalka
Siyaasadeed Iyo Ka Mira Dhalintiisa.
-Mahad-Badan-
-Walaalkiin-Enj-Maxamed Hersi.
-Xubin Firfircoon Xisbaga Shaqaalaha
Faraciisa Xaafada Tottanham.