SOOMAALI NEWS
 
  HOME  |  NEWS  |  ISLAM  |  SUUGAAN  |  QORAALO   |  EDUCATION   |  HEALTH  |  BAAFIN   |  ADS   |   CONTACT US  

EOROSOM OO RABTA INEY BURBIRSO SPORTIGA UK: Waxaa maalinimadii sabtida 14/04/2007 lagu qabatay xaafadda tottenham ee north London cayaaro aad u xiisa badanaa ,waxaana lagu tartansiinaayey cayaarahaas caruurta da’doodu u dhaxayso siddeed jir ilaa afar iyo toban jir  (8 jir ilaa 14 jir).

 Cayaarahaan oo daba socday cayaaro horey loo gu qabtay xaafadda Tottenham oo dhamaystirkoodi waqtigu kuyaraaday laguna heshiiyey in la qabto mar kale.

Dadka cayaarahaan soo qaban qaabiyey waxay ahaayeen tababarayaasha kooxaha iyo waalidiinta caruurta dhalay.

Cayaarahan ayaa marwalba waxaa lagu qabtaa xaafadda Tottenham, runtiina caruurtu aad ayey uga heleen taasoo laga sawiran karey wajiga carurta farxadda kamuuqatay iyo sawaxanka aydhigaayeen marwalba oo koox gool dhaliso amaba ay sigaan.

Waxaa in loo mahad celiyo mudan ilaahay kasokoow tababarayaasha kooxaha iyo waalidiinta caruuta oo dadaalkooda uun ay ku timid iyo dadka xaafada tottenham oo jecel cayaaraha.

 

Waxaanse ka xunnahay in DURAN FARAH oo umuuqda inuu yahay madaxa EUROSOM oo aan ogoleyn in uu ka dhaco London wax uusan ku lug lahayn ayaa markii hore usheegay tababarayaasha inuu ka caawin doono wixii farsamo ee uu awoodo kulan dheer oo uu la yeeshay sida ay sheegeen tababarayaasha qaarkood kadibna maalintii cayaatu ay dhacaysay loo baxay KAARKII EORSOM  sidaasna ku fushaday dantii uu kalahaa uuna marin habaabiyey qaab kii iyo nidaamkii cayaarta uuna ka dhigay cayaartan inay tahay cayaarihii EUROSOM ee UK.

Tababarayaasha kooxahan da’yarta ah waa loogu mahad celineynaa sida ay marwalba ugu heelan yihiin waqtigoodana ugu hureen iyagoon lagu siinin wax mushaaro ah inay heer gaarsiiyaan caruurta yar yar ee noqonaya mustaqbalka barito oo wax tari lahaa dadkooda iyo dalkooda.

Kooxaha halkaas isku arkay waxay kala ahaayeen:

1.HORNSEY STARS   tababare DAYSANE

2.TOWFIQ FC              tababare DAA’UUD

3.WHITE STARS         tababare  ABDULLAHI MUHUYADIN

Koobabkiina waxaa loogu kala guulaystay sida hoos ku qoran:

1. UNDER 14 WAXAA KOOBKII QAADAY  KOOXDA TOWFIQ FC

2. UNDER  12 WAXAA KOOBKII QAADAY KOOXDA WHITE STARS

3. UNDER  10 WAXAA KOOBKII QAADAY KOOXDA WHITE STARS

4. UNDER  08 WAXAA KOOBKII QAADAY KOOXDA TOFIIQ FC.

 nuur ali: nuurali@hotmail.com
  ©2005 Somaalia News   ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software