BAABKA KOOWAAD
GOGOLDHIGGA GUURKA
GUURKA IYO MOWQIFKA
DIINTA
Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka
waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe
laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto
ummadaha kale.
Eebbe waxa uu Aayaddiisa Qur’aanka ah ku
leeyahay:
(U guuriya
xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda
wanwanaagsan “rag iyo dumarba”. Hadday sabool yihiin Eebbe
asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii deeqdiisu dadka
ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.).
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxaa laga
weriyey inuu yiri: (Isguursada oo tarma ummadaha ayaan idinkugu
faanayaa maalinta Qiyaamaha eh). Cumar (RC) waxa uu dhihi jiray:
(Waxaan u guursadaa saan wiil u helo), ibnu Mascuudna waxa uu
oran jiray: (Hadday cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka harsan
tahay waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebbe uga
hortegin anigoo doob ah). Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal daacuun
baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri:
(War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe).
Qofkaan haddaba guursan karin
sabab kastaa ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo intuu
faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay:
(Ha
dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa
kaga hodminayo). Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka (Sallallaahu
calayhi wasallam) ka weriyey inuu yiri:
(Ninkii
awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool
ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa
kacsiga ka bi’inayee).
FAA’IIDOOYINKA
GUURKA
Guurku waxa uu leeyahay shan
faa’iido oo kala ah:.
1-
Ubad kaa hara:- Faa’iidooyinka
guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si
aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay
yeelataa afar ulajeeddo oo kala ha:
-
Inaad ku doontid raallinimada Eebbe,
maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii
socon lahayd.
-
Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka
(Sallallaahu calayhi wasallam) kol haddaad ku
kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani
lahaa.
-
In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba
oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
-
Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari
kuu saqiiro.
2-
Dhufays aad ka
gashid Shaydaanka:- Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu
shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku
lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan
Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi
ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu
dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3-
Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda:-
Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho,
waa lagu daalayaa dabeetana la’iska deynayaa. Haddaba maxaad ka
oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo
naftuba isdiidayaan!. Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay
cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu
dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu
dego, laabtu ugu qabowdo firfircoonaanna uga qaado.
4-
Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa
wareego:- Ninka oo
ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa,
goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq
kasoo adeegga, iwm., waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku
shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna
suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis uu
soo saaray Tirmidi ku leeyahay: (Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe
ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu’minad
suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa). Haddaba dumarka looma
guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga
daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu
abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku caabuddid.
5-
Nafta ood kula dagaallantid daryeelka
qoyska:- Nafta ood
ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa,
gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu
samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid,
hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad
marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku
tarbiyeysid waddada toosan, iwm.Waxaas oo dhami waxay kamid
yihiin faa’iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad
Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu (Sallallaahu calayhi wasallam)
waxa uu xadiis ku leeyahay: (War hooya gebigiin waxaad tihiin
Qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la
raaciyey). Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa mid
kamid ahi uu niman walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen
weydiiyey: (Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga
ajar badan?). Markaas bay yiraahdeen: (Ma garanayno). Suu yiri:
(Anaa garanaya). Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay: (Nin
sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo
intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay
carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana
ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal
wanaagsan).
CAQABADAHA GUURKA
Waxaa jira caqabado (dhibaatooyin) ama is
hortaaga guurka amaba laf ahaantiisa ka dhasha, waxaana ugu
muhiimsan saddexdaan:
1-
Awood-darri dhaqaale:-
Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka hortaagan rag badan
inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo awood
iibsasho yaraanta xilligaan jirta dartood.
2-
Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo:-
Rag badan baan xamili karin gudashada xaqa ay dumarkoodu ku
leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya dabeecad xumadooda, uguna
dulqaadan waaya dibindaabyaday la yimaadaan. Rasuulka suubban (Sallallaahu
calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu
filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la
weriyey in ninka ka cararaa ciyaalkiisu uu lamid yahay nin Eebbe
ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe waxa uu
Aayaddiisa ku leeyahay:
(Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad
iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan xaaska uga
ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno, waxaadna
halkaasi ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay
labanlaabmayso mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan
laba nafood, kiiyoo awalba kari la’aa hal naf xakamaynteed.
Waana taasi ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay
guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa: (Waxay wanaag
ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale), Micnaha Aayaddu
waxa weeye: (Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay
idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin, iyo
weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idiinku
raaxeeyaan).
3-
Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo:-
Dhibaatooyinka ka dhasha guurka waxaa kamid ah isagoo kugu
dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka dhigatid ubad
iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay
ku adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa
micneheedu ma aha in labada mid la tuuro, balse waa in guntiga
dhiisha la’isaga dhigo sidii labada daarood la’isugu keeni lahaa.
Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa
liijaan ku qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin.
Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur
la’aanta ayaa u roon waxa weeye ninkaan saddexdaasi aafo ka
badbaadi karin, kana baqaya mas’uuliyad dheeri ah oo uu Naar ku
mutaysto, ha yeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara
xaaraan kaga timaada araggiisa iyo ibtiisa. Ninka caynkaasi ah
waxa u wanaagsan inaanu guursan, si aanu Aakhiradiisa ugu
doorsan Adduunyo.
GACAL
DOORASHADA
Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in
haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah:
qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba
haddaynu mid mid u kala qaadno:
1-
Qurux:
Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku
ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn,
intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax
da’ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda
keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha
ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi
uun ka qaadaan.
2-
Qoys sharaf leh:
Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus
leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku (Sallallaahu calayhi
wasallam) yiri: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye”.
Xadiiska oo uu soo saaray ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye
dadnimo wanaagga waa la’iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad
guursaneysaan amaba u guurineysaan inuu qoys wanaagsan ka
dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof
baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay
qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad
akhlaaq iyo diin ka eegin?.
3-
Maal:
Ninkii gabar maalkeed “oo qura” u guursadaa, ma uu doonayo
gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa
nin ay iibsatay. Waxaa hore loo yiri: Ninka waxa wanaagsan inuu
gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo
duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay
guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad
wanaag, si uusan u yasin.
4-
Diin:
Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis
saxiix ah ku yiri: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda,
quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar
gacmaha ciid gashee). Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa
siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u
dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga
ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta
toosan.
Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii
lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku
darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday
markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu Lil-Laahi,
hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.
Si kastaba arrintu ha
ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha
u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka
bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad
kale. Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka
daa’in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe
xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq
leh ka dhalatay.
SOOMAALIDA IYO
QURUXDA
Soomaalidu waxay tiraahdaa: (hadday naagi
siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay
gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo). Sifooyinka ay
tilmaamaanna waa sidatan:-
-
Afar ay u dheer tahay: labada
gacmood, timaha iyo qoorta.
-
Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo
dhexda.
-
Afar ay dhumuc u leedahay: labada
kub iyo labada cududdood.
-
Afar ay u caddahay: labada indhood
iyo ilkaha labadooda lakab.
-
Afar ay u madowdahay: labada
indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
-
Afar ay deeb u leedahay: labada
dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda).
-
Labay u shuban tahay: labada dhaban.
-
Hal ay u buuxdo: shafka oo ah
meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
-
Hal ay u qoran tahay: waa sanka.
Lix iyo
labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana
maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo
codkeeda macaan.
CARABTA IYO QURUXDA
Soomaalida
oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag
wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u
casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn,
afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u
jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-
-
Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha,
ciddiyaha iyo midabka.
-
Afar ay u castahay: carrabka,
ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
-
Afar ay ciriiri u tahay: sanka,
dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
-
Afar ay u carfayso: sanka, afka,
kilkilaha iyo cambarka.
-
Afar ay u madowdahay: sunniyaha,
timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
-
Afar ay u weyn tahay: joogga,
garbaha, feeraha iyo barida.
-
Afar ay u wareegsan tahay: madaxa,
indhaha, cududdada iyo kubabka.
-
Afar ay u ballaaran tahay: foolka,
indhaha, shafka iyo cajarrada.
-
Afar ay u yar tahay: dhegaha,
cagaha, afka iyo calaacullada.
-
Afar ay u jilcan tahay: sunniyada,
sanka, dibnaha iyo dhexda.
INANTAADA U AWR DAYO
Waxaa loo baahan yahay inantaada iyo
walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh oo ku
dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha
ay ka reebeyso.
Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey:
(War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?). Saa kii kalaa
ugu jawaabay: (Nin daa’inkii ka biqi og u guuri, maxaa yeelay
hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu
yaraan ma uu dulmin doono).
Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee
suusuubbanaa kamid ah baa doonay inuu inantiisa u guuriyo,
markaas buu la tashi ugu tegey nin ay deris ahaayeen oo Majuusi
ah (Dabka caabuda). Majuusigii oo yaabban baa yiri: (Dadoo dhami
adayba adduun iyo aakhiro kaa wareystaane maxaad aniga
iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?). Markaas buu ninkii
Muslinka ahaa yiri: (Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda
siiyaa?). Majuusigii baa markaa yiri: (Madaxweyneheennii Kisra
xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum Qaysarna qurux buu
dooran jiray, Carabina nasab iyo qabiil bay dooran jirtay,
madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu
go’aan ka gaar ciddaad ku dayan lahayd).
QISADII SACIID
BIN AL-MUSAYIB
Saciid waxa uu ahaa mid
kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah
dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardadiisa waxaa kamid
ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi
dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka
dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu
doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey
halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la
joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay” buu C/Laahi
ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan
booqannee, amaba geerideeda aan waxka duugnee?” intuu ku yiri oo
u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku
yiri: “C/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah”.
“Yaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar
dirham baa xoolo iga dhaca”. Sheekhii baa markaa yiri:
“Subxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!”,
una raaciyey “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay”.
C/Laahi bin Widaacah oo isaga
laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan
xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. “Maxaad u aamustay? ma
inantaydaan kuu cuntamayn?”. “Eebe hakuu naxariistee maxaad saa
u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku
guurin kartaaye” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri “Waa
runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero”. Shuhuud baan markaa
u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham,
halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan Salaaddii Cishaha
tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa
iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?”. Qofkii iridka
garaacayey baa yiri: “Waa Saciid”. Ilaah baan ku dhaartaye
waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay
aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan
arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo
ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan iri: “Waa
Saciidkee?”. “Saciid bin Al-musayib”. Jirkayga oo dhan baa
halmar jareeyey, waxanan is iri: “Armuu sheekhu ka shallaayey
inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa”. Markaas baan anoo
cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras
alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay
buu yiri: “C/Laahiyow waatan naagtaadii”. Markaas baan si yare
xishood ku jiro u iri: “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo
ugu kaadin weydey”. Suu yiri: “Sabab!”, kuna daray: “Sow ima
oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe
iyiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo
xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii,
waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan.
C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa
inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka
Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga
cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan
jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin”. Waanu
sii dhaqaaqay.
C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku
dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana
aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam),
kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada
culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon
Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: “Qoftii say tahay?”
markaas baan dhihi jiray: “Waa nabaddeeda”.
Kedib
markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay
waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex
fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri: “Soo gal
C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye”. Markaas
baan weydiiyey: “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?”. “C/Laahiyow
gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?”. “Khayr
Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen”.
“C/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid
edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana
haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo
dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle
ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye
Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo
Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata”.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay: “Waan ka
qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii
markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib
uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay”. Dhammaad qisadii
Saciid bin Al-Musayib.
ISKA EEG INANTA INTAANAD GUURSAN
Ninku kolka uu xulanayo tii nolol
la wadaagi lahayd, diintu waa ay u oggoshahay inuu iska eego, ha
yeeshee su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye: (Intee in la’eg
buu ka eegi karayaa jirkeeda?).
Waxaa layiri: Cumar binu Khaddaab (RC) ayaa weydiistay Cali bin
Abii Dhaalib (RC) inuu siiyo gabadhiisa Ummu Kaltuum markaas buu
Cali (RC) ku yiri: “Cumarow gabadhu way yartahay, balse waan kuu
soo dirayaaye aragoo haddaad raalli ka noqoto waa naagtaada”.
Markaas buu gabadhii intuu maro usoo dhiibay
ku
yiri Amiirul-mu’miniinka ugee, oo ku dheh aabbe wuxuu ku yiri:
“Waa tii aan kuu sheegayey”. Intay Cumar u tagtay bay maradii u
dhiibtay, ereyadiina u sheegtay. Cumar (RC) baa markaa ku yiri
:“Usheeg aabbahaa raali baan ka nahaye”. Markay bax is tiri oo
sii jeesatay buu Cumar (RC) kubabkeeda marada ka qaaday. “Yaaaa,
haddaadan Amiirul-Mu’miniin ahaan lahayn ishaan kaa dharbaaxi
lahaa” bay ayadoo xanaaqsan intay tiri kasii dhaqaaqday. Kolkay
aabbeheed ku noqotayna waxay kutiri: “Waxaad ii dirtay odoy xun
oo saa iyo saa igu sameeyay”. “Maandhay waa ninkaagii” buu Cali
(RC) hadal kusoo gooyay.
Culimada diinta intoodii badnayd
waxay isku raaceen inuu ninku gabadha uu guurkeeda doonayo ka
eegi karayo jirka qaybihiisa haween lagu raaco sida wejiga,
gacmaha, kubabka lugaha, iwm, qaarbaase intaa kasii fogaaday oo
gaarsiiyey ilaa iyo jirka oo dhan waxaan ka ahayn labada dalool
(cambarka iyo dabada).
SIFOOYINKII SHEEKH AL-NAFSAWI
Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim
Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir
fii Nus-hatil-Khaadhir) ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha
leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda. Haddaba sifooyinkii uu
sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka
helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:
(Gabadha guursigeeda la doonaa waa tan uu
jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh,
timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo
kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh,
sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow
leh, ilkaha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo
carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo
cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh, gacmaha buurbuuran iyo
garaaraha leh, shafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee
dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan
leh, xabadka iyo naaska buuxa leh, dhexda yar leh, sinaha
waaweyn leh, caloosha godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku
habboon leh, xuddunta ballaaran ee biya-degeenkaa leh, cambar
dusha iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka ciriirigaa leh,
cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh,
kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.
Gabadha
socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray: “Culays kuma
dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way
ciribsataa”, kolkay soconayso laafyoota, kor iyo hoosna ka
lulata, soo socodkeeda aad macaansatid, sii socodkeedana la
miyir beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn,
codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii
maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka
yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee
hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda
oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan
weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan, degganaanta iyo
dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu
yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco ayadu doonata, hadduu
iska daayana isdadabta, kolkay galmadu dhacayso dhabannadu
casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay
ninkeeda la joogto farax iyo qosol badan, markay dad kale
arkeysana afgaaban oo edeb badan, eer-sheegad yar, abtiyaal iyo
adeeryaal akhyaar ahna leh).
RAG MAXAA LAGU
RAACAA?
Ragga iyo dumarku way ku kala duwan yihiin
marka laga eego sifooyinka la’isku doorto xilliga guurka.
Rasuulkeennu (Sallallaahu calayhi wasallam) waa kii yiri
: (Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda
iyo diinteeda), taasi oo ina tusaysa in maalka iyo quruxdu ay
50% ka yihiin sababaha dumarka loo guursado, ha yeeshee kolkay
arrintu joogto ninka isagu doonaya inuu guursado, qiimeyntiisu
taa ka duwan.
Diinteenna Islaamku waxa ay xaddidday laba
shardi oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaa inanta uu
soo doontay loo guuriyo, labadaasi shardi oo kala ah; Diin iyo
Dabeecad. Rasuulka suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam)
waxa uu xadiis ku leeyahay: (Hadduu idiin yimaado nimaad
diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale
xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa). Xadiiska
waxaad ka garan kartaa in dabeecadda qofku aanay ku xirnayn
diintiisa, maxaa yeelay si kasta oo qofku uu diinta u yaqaan,
haddana dabeecad wanaagga, degganaanta iyo qabowga iyo waa loo
kala dhashaa dabeecad xumida, xanaaq dhowaanta iyo kulaylka
joogtada ah.
Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kuma aanu soo
hadal qaadin xadiiskiisa qurux iyo maal looga baahan yahay ragga
guurdoonka ah toona. Haddaba sababtu waxa weeyaan, aynu ku
horreeyno quruxda eh, ninka ragga ah waxaa qurux ugu filan
ragannimadiisa, oo kol hadduu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli
iyo kartina leeyahay, waxay ila tahay qurux ay dumar ku raacaan
oo u harsani ma jirto. Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga
hadlayo, maalku kamid ma aha shuruudaha guurdoonka lagu xiray.
Ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku
darsada, Eebbe asagaa xagga maalka ka kafaalad qaaday. Waxana
taasi marqaati ka ah Aayadda oranaysa: (Hadday sabool yihiin
eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya).
GAYAANKAA GUURSO
Arrimaha loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo
lammaanaha nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda
sidaynu horeba usoo sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay
jiraan umuuro kale oo iyaga laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana
kamid ah farqiga u dhexeeya da’da ninka iyo da’da inanta uu
guurkeeda doonayo
Abuubakar (RC) iyo Cumar (RC) ayaa mid
waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul (Sallallaahu
calayhi wasallam), markaas buu Rasuulku (Sallallaahu
calayhi wasallam) mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay
gabadhu yartahay. Ha yeeshee kolkuu Cali (RC) soo doontay, waa
uu siiyay, waxanay culimada qaar taa ku micneeyeen in Rasuulku (Sallallaahu
calayhi wasallam) doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay
isku da’ dhowyihiin, waxana markaasi Faadumo (RC) ay jirtay shan
iyo toban sano iyo shan bilood, halka uu Cali (RC) ka jiray koow
iyo labaatan sano iyo afar bilood.
Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo
dhoco guurkii Rasuulkeenna (Sallallaahu calayhi wasallam)
iyo Sayidah Caa’ishah (RC) oo iyadu aad uga da’ yarayd Rasuulka
(Sallallaahu calayhi wasallam), ha yeeshee qoraaga
kitaabka (Tuxfatul-Caruus) Maxamuud Al-Istambuuli waxa uu ku
doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo
sababahaan soo socda awgood:
-
Dadnimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo
dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa’ishah
farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo
dhallinyaro ahaa oo soo doontay.
-
Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola
jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka (Sallallaahu
calayhi wasallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) oo
saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ka sokow, kamid
ahaa hogaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo maslaxadda ka
dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba tegi
jiray guriga Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) si
dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.
-
Caa’ishah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi
looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.
-
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo la siiyay
awood ragannimo u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah
awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah)
DDhammaad faalladii Istambuuli.
Gabar baa gabar weydiisay:
Naa rag kee baad ugu jeceshahay?. Markaas bay tiri: “Waxaan ugu
jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe,
ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle,
gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare,,,, ee adiguna”.
Markaas bay ugu jawaabtay: “Anna Gar madoobe, geed walwaale,
garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye,
gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye,
gam’i waaye,,,, kaas baan u jeclahay ee aniga iyo adiga teennee
caqli badan?”
Sida
ninkuba u jecelyahay inuu guursado gabar da’ yar, qurux badan,
caqli badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay
gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da’ yar ama aan wax
badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli iyo ragannimo badan,
dhawrsan oo iyada uun ku kooban, deeqsina ah.
Waxaa la yiri: Nin gaaban oo fool
xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay
ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay
awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo
bay tiri: “Maxaa kugu dhacay?”. “Wallaahi aad baad u
qurxoonaatay”. Markaas bay tiri: “Ku bishaareyso inaan aniga iyo
adiguba Janno geleyno”. Suu weydiiyey: “Oo xageed ka ogaatay?”.
“Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa
la’i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana
waa ehlu janno” bay hadal ugusoo jartay.
Waxaa la
yiri: Nin baa asagoo faras fuushan waxaa kahor timid naag uusan
quruxdeeda ayadoo kale hore u arag. Markaas buu ku yiri: “Hadduu
nin ku qabo Eebbe hakuu barakeeyo, haddii kalese ii sheeg”.
Markaas bay ku tiri: “Maad iska kay dhaaftid wax aanad jeclayn
baa igu yaalle”. “Maxaa kugu yaal?”. “Madaxayga cirraa ku taal”.
Intaa markuu maqlay buu faraskii saynta u rogay si uu u dhaqaaqo,
waase ay joojisay, oo intay timeheedii hagoogta ka qaadday
tustay, mise waaba timo madowgooda wax lagu mitaalo aan la arag.
Waxayna ku tiri: “Wallaahi inaanan weli labaatan jir gaarin, ha
yeeshee waxa madaxaaga iiga muuqatay cirro, waxana aan rabay
inaan ku tuso in annaguba aan idinku nacayno waxa aad nagu
nacaysaan”.
Ugu dambayntii, waxaa lagama
maarmaan ah inuu jacayl jiro amaba israbitaan ka dhexeeya labada
ruux ee guurka u sharraxan, ha yeeshee jacaylka laf ahaantiisa
ma aha in laga dhigto yool, balse waa inuu ahaadaa waddo xaaran
oo loo maro hadaf ka weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Gabadha
aad guursigeeda dooneysaa ma tahay haddaad guri gashaan (waa
siday kuula muuqato eh) mid ay naagnimadeedu ku qancin doonto?
Ma tahay mid loo daayey agaasin guri, garaneysana rag waxa u
roon iyo waxa ka reebban?.
DARDAARAN AAN DIIN LOO EEGIN
Waxa la arkaa waqtiyadaan dambe
in dad badan oo isdooranayaa ay isku doortaan muuqaallada
dibadda sida: muuqaalka iyo midabka jirka, timaha, eegmada, iwm.,
iyaga oon ka eegin qofka ay dooranayaan dhanka sifooyinka
nafsiyeed iyo dabeecadeed oo iyagu ah kuwa nolosha qoys u
horseeda farxad, raynrayn, raaxo iyo murugo la'aan.
Haddaba waa
in rag iyo dumarba aan la isku dooran muuqaalka kore oo qura,
balse lagu doortaa qofka shakhsiyaddiisa, sababta oo ah
muuqaalku waa mid ku xiran da'da qofka oo baaba'aya. Tusaale
ahaan, gabar ku fekeri jirtay inay hesho wiil dheer, jirkiisu
dhisan yahay, lebbis qurxoon, taajir ah iwm., haddii ay hesho
wiilkii ay ku riyoon jirtay una haysatay inuu noqon doono
wehelkeeda adduunyada (isna uu ku doortay sifooyinkii ay ku
dooratay kuwa la mid ah), kolka ay aqalgalaan oo dabeeto inta ay
ka dheregto sifooyinkiisa dibadda, u baahato dadnimadiisa gudaha
ayna markaasi ka weydo, waxay billowdaa inay dareento
dhibaatooyin aanay hore ugu xisaabtamin iyo inaysan raalli ahayn.
Haddaba kolka aad dooranaysid kan kula wadaagaya nolosha, waa in
aad ka eegto oo qiimaysid gudihiisa iyo dibaddiisa labadaba oo
uusan kugu noqon (afka malab uur minshaar).
Gabadhu inta
aysan isku indha tirin jacayl, waxa loo baahan yahay inay ogaato
ruuxa ay laabteeda u furaysaa inuu noqon doono kan ay isla
billaabi doonaan socdaal nololeed jiraya ilaa ay geeriyi kala
geyso. Waa inay maskaxda ku haysaa in doorashadeedaasi ay tahay
imtixaan ay geleyso inta ay nooshahay kan ugu adag, sidaasi
daraadeedna ay isugu geyso wax allaale waxay xeel iyo khibrad
leedahay siday u darsi lahayd dabeecadda iyo shakhsiyadda gudaha
ee qofka ay dooranayso.
Waxaa
laga yaabaa in qofku aragtida guud ka caafimaad qabo, balse uu
hoosta ku wato cudurro xunxun sida Jabtada amaba cudurrada kale
ee waqtiyadaan dambe ku caan baxay dunida kuna qarsoon xubnaha
taranka, kuwaasi oo ay khatartoodu badan tahay gaar ahaan kolka
ay hayaan haweenka. Waxa laga yaabaa in Jabtada kolka la iska
daaweeyo ay dusha ka bogsooto, balse ku qarsoon tahay jirka
hoose ilaa ay maalin maalmaha kamid ah u gudubto maskaxda
keentana cudurro Eebbe kaa haayo, iyada oo weliba u gudbaysa
qofka aad isqabtaan iyo carruurta intaba. Cudurka Qaaxadu isna
waxa uu leeyahay natiijooyin kuwaasi la mid ah, waxaana waajib
ah in arrimahaasi oo dhan maskaxda lagu haayo marka la dooranayo
lammaanaha nolosha.
KHIDBADA
Khidbada haddaynu ka eegno dhanka
diinta Islaamka iyo dadkii hore, waxa ahayd sidatan: wiilku
dumar buu dirsan jiray uga warkeena inanta akhlaaqdeeda iyo
gaarinimadeeda. Hadduu la dhaco wanaagga laga soo sheego iyo
warbixinta laga keenana, duqay buu kaxaysan jiray amaba keligii
bixi jiray oo intuu aabbeheed u tago guurkeeda weydiisan jiray.
Kolkaana aabbuhu hadduu ku qanco wiilka diintiisa iyo edebtiisa,
wuxuu la tashan jiray inanta iyo hooyadeed, hadduu oggolaasho ka
helana halkaa ayuuba ku bixin jiray. Gabadha markaa inta la
mehriyo ayaa ninkeeda la daba dhigi jiray, waxayse ahayd hadduu
sidaa dalbado. Haddii kale intuu halkuu kasoo doolay u noqdo
ayuu kolkuu guri diyaarsado soo doonan jiray laguna dari jiray.
Maanta khidbadu waxa weeye xaflad
faraxeed duunyo badani ku baxdo dad badanina isugu yimaado,
dabeetana wiilka iyo gabadha oo si fiican loogu soo lebbisay
gacmahana ishaystaa intay ku soo baxaan dadka xafladda kasoo
qaybgalay, hortooda isku weydaarsada farraanti ka dhigan heshiis
dhexmara labadooda oo ah inay isguursan doonaan, waxayna dhab
ahaantii u egtahay heshiis ganacsi labada dhinac mid loogu
xajinayo kan kale, waana arrin aan diin wax sal ah ku lahayn.
Hablaha qaar
khidbadu waxabay u tahay dareen iska sara marin ay iska sare
marinayaan kuwa kale ee aanay weli duruuftu u oggolaan in dadku
isugu yimaado uguna alalaaso xafladda khidbadooda. Waxa iyana
jirta in khidbado badani ku dhacaan si degdeg ah, si waddada
looga xiro loogana boos qabsado kuwa tartanka kula jira gabadha
ama wiilka. Dhallinyaro badan baa hablaha ugu ballan qaada guur,
si ay uga haqab tiraan rabitaankooda jinsiyeed dabeetana ka baxa
ballantii ay ku galeen afar indhood hortood. Kol haddayse
khidbadu ku dhacayso dadka oo dhan hortooda, ceeb bay ku
noqonaysaa iyo sharaf dhac haddii intuu gabadhaasi ku ciyaaro
dabeeto isyiraahdo fasakh (kabax) khidbadaasi sabab la'aan.
Tijaabooyinku waxay caddeeyeen in khidbada ay ku xigsato galmadu
iyada oon la gaarin meher iyo aqalgal, ay inta badan ku
dhammaato kala tag. Khidbadaha qaar baa ku dhaca xaalad qooq iyo
kacsi iyo dhaar inayan weligood kala harin, iyada oon wax
hordhac iyo ka fiirsi ahi ka horreeyn, sidaasina intay u
hoggaansamaan kacsi iyo rabitaan aan xad lahayn, daqiiqad kadib
ka shallaayaan wixii ay daqiiqad kahor ku dhaqaaqeen. Gabdhaha
qaar baa kolka ay hoosta ka galaan wiilka ay jecel yihiin uu soo
weeraraa dareen kacsi aan xad lahayni, dabeetana awoodi waaya
inay (maya) yiraahdaan iyaga oo miyir iyo dhimirba beela,
sidaasina ay ku dhacaan heshiisyo aan weligood dhaboobayn iyada
oo weliba aan la joogin meel laga noqdo.
Gabadhii
khidbadeeda fasakhda mujtamacaadka reer barigu waxay ku eegaan
il liidiseed, taasi oo ah dulmi la jideeyey waqti fog.
Fasakhidda khidbadu amaba haddaynu si kale u niraahno ka
bixitaanka ballantii ahayd in la isguursan doono waxay xummeysaa
sumcadda gabadha. Waxa intaa dheer in mujtamaca iyo cid kasta oo
doonta inay gabadhaasi dib u doonato labaduba u arkaan inay
tahay garoob, si kastaba gabadhaasi ha u jeclaato khadiibkeeda
cusub, daacad iyo raaliyana ha ugu ahaato eh.
Dalalka aan
diinta Islaamka ku dhaqmin qaarkood waxay khidbadu uga dhigan
tahay xarig sharci ah, khadiibadduna waxay leedahay xuquuq u
dhiganta tan ay leedahay haweeneyda la qabo iyo weliba xuquuqda
uurjiifka caloosheeda ku jira haddii ay u oggolaato khadiibkeeda
inuu u galmoodo intaanay aqalgelin. Waxa caadi ah inaad dalalka
caynkaasi ah ku aragtid nin iyo haweeney isu dhalay laba iyo
saddex carruur ah oo la leeyahay caawa ayuu dhacayaa nikaaxii
iyo aqalgalkoodii. Waxa taasi ka yaab badan in dalalka qaar
aanayba labada qof isguursanaynin ilaa iyo inta ay ka
hubsanayaan inay carruur isu dhali karayaan, iyaga oo isla
noolaanaya ilaa iyo intay dhawr carruur ah isu dhalayaan, markaa
dabadeedna aqalgal iyo xaflad yaab leh loo dhigayo.
La soco
RAAXADA GUURKA 2
w/q
Sabriye
Macallin Muuse