Anigoo ah Muwaadiin Somaaliyeed
Magaceeyguna yahay-Mudane, Enj-Maxamed Xaashi Xirsi Xubin ka ah
Xisbigga Talada DalkanHaya Shaqaalaha(Lobaur Party),Dalkeeyga
iyo Dadkeeygaba laJeceyl nabadgelyo,Horumar iyo Hanashadda
Dowlad Wanaagsanoo Sida ku Haboon ugu Adeegta
Dadweynaha,Ilaalisa XuquuqddaDalka Iyo Xurmada Saxaafadda Iyo
Nidaamka Dowladeedba.
Anigoo
Si weyn uga Tiiraanyeeysan,Kana
Damqanaaya Dhibka,Colaada Iyo Dagaaladda Sokeeye ee Hadda ka
Socdda Caasimadda Qaranka Somaaliyeed(Muqdiaho) Xudunta Ummadda
Somaaliyeed,waxaan Halkan ka Soo Jeedinaayaa Baaq Nabadeed oo ku
SaleeysanAragtida Saxa ah,Dareenka Wadaniyadeed,Qiirada Dal
Jaceyl IyoQiimaha Somaalinimadaba Dhabta ah,Baaq ka Turjumaayo
Sida Weynoo aan Uga Xumahay Dhiiga Daadanaaya,Khasaaraha
Baaxadiisa lehIyo Bara-Kicinta Ra,yidka ah oo aan Waxba
Galabsan,Horre ayaaLoo Yirii Dagaal iyo Colaad Wiil kuma
Dhashee,Wiil Baa Ku Dhinta,Waa Xaqiiqo Dhabta Iyo Tusaale
Cilmiyeed,Hadii DagaaloSokeeye,Colaada,Khilaafyo
Siyaasadeed,Muran Hogaamineed Wax Laga Faa,iidaayo Dalkeena
Somaaliya ayaa Maanta Ayaa Noqonlahaa Midka Aduunka ugu
Horeeya,Laakiin Wax laga Faa,iido ayaaAh Dib u Dhac,Burbur Iyo
Khasaare Dhinac Walba ah.
Anigoo Garanaayaa ama dareemayaa in Dad Badan oo
SomaaliyedQabaan Aragtideeyda oo Kalle,kana Xun Yihiin Dagaalada
SokeeyeEe Magaaladda Muqdisho Ka Socda,Waxaan Ummadda Wax-garadka
ah,Hogaamiyaasha Bulshadda Ra,yidka ah,Daladaha Haweenka
IyoDhalinyarada Iyo Golayaasha Nabadeedba in eey Doorkooda
QaatanSida ugu Dhakhsaha Badan u Kala Dhex Galaan Qeybaha
DagaalkaWadda,hanaan Nabadeed,Wadda Hadal Iyo Caqli Adeegsina
LaguXaliyo Xurgufaha Jirra,Lana Garto Qiimaha Iyo Ahamiyada
NabaduLeedahay,Samaantu Leedahay Iyo Qiimaha Qarameed Iyo
XurmaddaCaasimadda Muqdisho.
Gunaanadka Waxaan Alle ka Rajeeynaayaa in
Colaada,DagaalkaIyo Xiisadaha Khilaafeedba Meesha ka
Baxaan,Nabadgelyo Waarta,Kalsooni Iyo Hanaan Iskaashi Leh oo
Danaha Guud ku SaleeysanAlle Ku Waariyo Ummadda Reer Muqdishi
Iyo Guud ahaanba UmmaddaSomaaliyeed,Amiin,Amiin,Amiin.-
Waxaa Baaqan Jeedinaayaa--Enj-Maxamed Xaashi Xirsi--Ka Tirsan
Xisbiga Shaqaalaha
England-hersiuk@hotmail.co.uk
