|
Mar aan gooni uwey diiney
Odayaasha xaafadda oo sida uu sheegay ka qayb qaatay hirgelinta
munaasabaddan ayuu noosheegey inaan lo koobi Karin laakiin uu
noo sheegay qaar kamid ah odayaashaas:
1.Cabdullhi sheikh-don 2.
Mohamed Dheere 3.Mohamed Ali 4.Ahmed Bile 5. Sakariya
6.Xaaji Ciise (Dhumaaye)
7.Mooge 8.Cumareeto 9.Cali X Waasuge (Cali shabeel) 10.Daahir
Xuunshey 11.Cabrahman Testo 12.Baafo 13.dahir Abdullahi (Barakaad)
14.
Mudane Daysane legentiga
xafada Tottenham iyo dad kale oon aanan soo koobi Karin.
Waxaan kaloo Amaan badan
mudan u jeedinayaa wakiilka mamulaha xawilada Olympic ee
waqooyiga London mudane kamal hersi oo had iyo jeer la garab
tagan cawinaad dhaqaale horumarinta xafada.
Wuxuuna
yiri mudane Mohamed macallin dadka xaafaddu waa taageerayaasha
wax walba oo wanaagsan ka qaybqaata oo aan ukala harin waana ku
mahad sanyihiin.
Furitaanka kadib waxaa
haldal kooban oo ku aadan munaasabadda soo jeediyey Mudane AHMED
NUUR (SEYGA RUUSHKA) oo ammaaanay qaabka munaasabadda loo soo
agaasimay.
Waxaa
kale oo iyagu ka hadlay munaasabada wafdigii ka yimid Sweden oo
sheegay iney tahay markii ugu horaysay oo ay ka qayb galaan
xaflad heer kaan oo kale ah oo dad sidaa isu jecel isulana
shaqaynaya ay arkaan wxayna ammaan usoo jeediyeen dadkii
agaasimay iyo marti sharata kaleba wayna uga mahad celiyeen soo
dhawayntaan heerka sare ah waxayna sheegeen inaey ku daysan
doonaan iyaguna.
Waxaa
kale oo halkaas ka hadlay cayaartoy kamid ah cayaartii cuslaatay
ee soomaaliya
XASSAN WRAABE CADE oohakaas
ka jeedayey qudbad qiima leh oo uu kusoo qaata taariikhdii iyo
wax qabadkii macallin GIFTIN. Taas oo dadkii raad fiican ku
reebaty.
Kaddib
waxaa xafladda qudbad dheeroo qiima leh kuna saabsan arrimaha
isportiga iyo waliba lama maarmaanimada iskaashiga soo jeediyey
odeyga caanka ka taarida sportiga madax sarewax sootaray
sportigana ahaa ahna ruugcaddaa dhinac walba lagamarmaan ka ah
bulshda soomaaliyeed magac dheerna kuuleh taariikhda wanaagsan
ee soomaalida, ahna aabaha xaafadda Tottenham MUDANE AHMED SHEL
kadibna waxaa halkaas lugu soo gaba gabeeyey xafladii laguna
wada casheeyey si farxad iyo is jacayl uu kamuuqdo. |